Home / Wararka / Maamulka Madoobe Nuunow oo rajo ka qaba in aqoonsi ka helo Muqdisho

Maamulka Madoobe Nuunow oo rajo ka qaba in aqoonsi ka helo Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Madoobe Nuunow ee lixda gobol ayaa sheegay in ay wadahadalo kula jiraan xukuumadda Xasan Sheekh.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray in wadahadalada ay kula jiraan xukuumadda Muqdisho ay meel fiican marayaan, ayna rajeynayaan in mar dhow la aqoonsado.

Maxamuud Sayid ayaa carabka ku adkeeyay in aqoonsiga ay ka filayaan Xukuumada dhexe ay tahay xuquuq ay ku leeyihiin xukuumada dhexe.

Madaxwene ku xigeenka Maamulka 6-da gobol ayaa dhinaca kale sheegay in guulo mihim ah ay soo hoyiyeen mudadii gaabneyd ee maamulkooda jiray, ayna soo dhiseen golaha wasiirada,haddana uu isfaham dhow dhex maray xukuumada Muqdisho.

Maamulka 6-da gobol ayaa ah garab ka mid ah garabyada maamulka koonfur galbeed oo aan teegeero ka heysan dhammaan beelaha dega Koonfur Galbeed soomaliya.

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top