Home / Wararka / Daawo:Tusaale kale oo cadeynaya Qabyaalada gaamurtay ee howl-wadeenada Raadiyaha & Tv-ga Dowladda

Daawo:Tusaale kale oo cadeynaya Qabyaalada gaamurtay ee howl-wadeenada Raadiyaha & Tv-ga Dowladda

Waa gabar Soomaliyeed oo dhalinyaro ah, oo laga kaxeystay gurigooda iyadoo ku dhex jirta waalidkeed iyo walaalaheed, haddana si arxan daro ah loo dilay, waa fal  ay tahay in qof walba oo bani’aadam ah in uu aad uga xumaado,u cambaareeyo, qalbigana u jilciyo qoyskii iyo eheladii ay ka tagtay.

Waana fal cambaareyntiisa iyo ka xumaanshihiisa aysan ku xirneyn Qabiil,Diin, Dal iyo dhaqan, oo qof walba oo ku abtirsada qoyska Xaawa iyo Aadam hadii ay ku dhacdo ay tahay in la cambaareeyo.

Sidoo kale, Xumaanta falkan iyo in la sabarsiiyo ehelkii ay ka dhalatay kuma xirna dambi kale oo laga galay qof kale, waxaan ula jeedaa marna ma aha inaan niraahdo gabadhan sida loo dilay oo kale gabdho iyo wiilal badan oo soomaliyeed ayaa loo dilay, oo aan fududeysano dilkaas waxashnimada ah.

Laakiin haddana markaan dhanka kale ka eegno Warbixintan hoose ee ka hadlaysa qaabka loo dilay gabadhaas, waxaa kaaga soo baxaya in qaabka uu wariyahan iyo madaxda soo dirsatay ay uga hadlayaan dhacdadan ku dhacday qoyskan Soomaaliyeed ay tahay mid qabyaaladeysan, ayna u adeegsanayaan warbaahinta Qaranka in ay u kala eexdaan Soomalida, dhabaatada qaar ku dhacdayna ay ka dhigayaan mid mudan in si gaar ah ahmiyad loo siiyo, tan ku dhacday kuwa kalena ay iska caadi tahay.

Dilka Gabadhaas kadib, Wasiirka warfaafinta waxa uu shir deg deg ah isugu yeeray dhamaan madaxda waaxaha kala gedisan ee Wasaarada warfaafinta, wuxuuna ku amray in Wariyaal gaar ah ay kaamirooyinkooda xir xirtaan, una baqoolaan goobta lagu dilay gabadhaas, warbixin jirka la dubaaxiyana ay ka diyaariyaan laakiin nasiib daro markii 8 oday dhaqameed dharaar cad si waxashnimo ah loo dilay wasiirka warfaafinta Mustaf Dhuxulow wax shir ah isuguma yeerin agaasimayaasha waaxaha kala gedisan ee wasaarada!!!.

Falka arxandarida ah ee lagu dilay gabadhaas kadib, Mustafa Dhuxulow waxa uu sheegay in Madaxda dowladda uu ku wargeliyay, ayna “go ahead” ama waa idman tahay ay dhaheen, laakiin Markii 8 Oday dhaqameed la dilay Wasiirka nooma sheegin in madxda dowladda uu ku wargeliyay iyo jawaabtooda in ay ahayd “ go ahead” ama “it is redline” oo ah waa khad gaduudan, ee arintaas faraha kala bax.

Wasiirka waxa uu kula dardaarmay Shaqaalihiisa in howsha dilka gabadhaas ay si wadanimo iyo qaranimo ku jirto loo qabto, haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah in Raadiyaha iyo Tv-ga dowladda ay ka hadlaan Odaydhaqameedka 8 ahaa ee la dilay iyo 5 qof oo masaajid ku jira oo la dilay howl qaran ma aha miyaa?!, mise howl qaran iyo wadaniyada uu sheegayo waxa uu ula jeedaa mida quseysa beesha Muqdisho kaliya!!!

Waxa sidoo kale wasiirka sheegay in sababta kooxda wariyaasha ah ee gaarka ah uu ugu dirayo dilka gabadhaas ay tahay in ay dadka soomaliyeed ogaadaan in dowladda ay ku daba jirto kuwa dambiilayaasha ah ee dhibaateyna, har iyo habeen u taagan tahay.Haddaba, dadka ay dowladda har iyo habeen u taagan tahay ma ku jiraan miyaa dadka Sh.Hoose, oo odayaashooda iyo culimadooda masaajidyada lagu dhex dilayo, ma loo qaadan karaa in qaamuuskiisa aysan dadka Sh.Hoose ugu  jirin in ay yihiin dadka ay xukuumadiisa matasho!. Sidoo kale, kuwa dilka Odayaasha geystay ma aha miyaa dambiilayaal ay tahay in ay dowladda ku daba taagnaato, mise waxaa run ah in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda oo “howlo qaran” ay soo fuliyeen!!.

Wariye Cabdicasiis Afrika iyo wasiir Dhuxulow waxa ay ku sheegeen dilka gabadhaas mid ka gedisan falalka kale ee dhaca, ma waxay ula jeedaan, gabadha la dilay 23 sano jir dhakhtarad ah ayey ahayd, Odayaashana 60 jiro lugtooda aakhiro u raaracdo ayey ahaayeen, mise waxa uu ula jeedaa Gabadha la dilay beesha ku xoogan dowladda ayey ka soo jeedaa, kuwa kalena kama soo jeedaan!.

Cabdulcasiis Afrika marka uu ka hadlayey qaabka gabadha loo dilay waxaad moodaa in uusan waxba hambeyn, laakiin dhinaca kale, in warbixin gaar ah uu ka diyaariyo iska daaye, qeyb yar xitaa kagama hadal wararka iyo baraamijyada warbaahinta dowladda dilka loo geystay Odayaashaas iyo 5tii qof kale ee lagu dhex dilay masaajidka.

Ma ogtahay akhristow, in wariyaasha Tv-ga iyo idaacada dowladda ee warbixintan diyaariyay ay horey No 50 markii ay gubeen Maleeshiyada Goobaale iyo Qaafow ay cajal video- ah ka soo duubeen laakiin markii la keenay Muqdisho ay Cabdulcasiis iyo kooxdiisa ee hadda wadaniyada iyo soomalinimada ku andacoonaya ay meel iska dhigeen, kadibna ay u direen mid ka mid ah website-yada lagu aflagaadeeyo dadka Sh.Hoose oo ilaa hadda loo adeegsado in shucuurtooda lagu dhaawaco.

Hadii Cabdulcasiis Afrika uu warbixintiisa hoose arimo badan ku qariyay si uu u ilaaliyo damiirka ehelka gabadha sida arxan darida loo dilay, maxay u ilaalin waayeen ugu yaraan damiirka Ehelada reer Lambar 50, iskaba daayee in ay hal warbixin ka soo diyaariyaan?.

Allaha u naxariisto Nafiso Cusmaan Salaad, Odaydhaqameedyadii Sh.Hoose iyo qof walab oo soomali ama bani’aadam ah oo gacan ka gardaran ay dishay, noocey doonto ha ahaatee.. Amiin yaa rabi.

Tafatiraha markacadey.com

nagala soo xiriir:

info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top