Home / Wararka / Kulan looga Hadlayey Amaanka Gobolka Shabeelada Hoose oo Maanta ka dhcay Deegaanka Hareerlay.

Kulan looga Hadlayey Amaanka Gobolka Shabeelada Hoose oo Maanta ka dhcay Deegaanka Hareerlay.

Waxaa maanta gelinkii hore kuqabsoomay Deeganka Hareeraley ee Degmada Numbar 50  kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Degaanka, saraakiisha ciidanka Deegaanka, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo ururada dhalinyarada.

Mas’uuliyiintii kulankaasi ka qeebgalay waxaa kamid ahaa Gudomiyaha degmada Marka Maxamed CusmaanCali yariisoow, Gudoomiyaha Degmada Jannaale, Gudoomiyaha Degmada Nambar50 oo kulanka marti geliyay laguna qabtay mid ka mid Deegaanada hoos yimaada Degmadiisa kaas oo lagu magacaabo Hareeralay sido kale waxaa kulanka qayb agalay  Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada LOYAL, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka sh.hoose.

Kulankaan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Saraakiisha  Ciidamada Amaanka u qaabilsan degmooyinka marka, jannaale iyo Numbar 50, iyagoo so bandhigay kiisas badan oo ay wax uga qabteen Amniga Gobolka, saraakiisha oo warbixintooda ku sheegay in Ciidamada militariga dowlada oo u abaabulan qaab beeleed inay geestaan falalka amnidarada ee ka dhaca gobolka iyagoo dhac u geesto gaadiidka ku safra wadada isku xirta marka iyo afgooye.

Saraakisha amaanka Waxaa aybadaln qaadeen inay wax badan ka qaban doonaan falalka amnidarada ay geysanayaan ciidamada militariga ee u abaabulan qab beeleed.

Sidoo kale waxa ka hadlay gudoomiyaasha sadaxda Degmo oo iyagana balan qaaday inay ka Maamul ahaan wax weyn ka qaban doonaan falalka amnidarada kadhaca guud ahaan gobalka sh.hoose.

Sidoo kale kulanka waxaa warbixin looga dhageystay taliyaha dugsiga tababarka ciidanka ceel-jalle, ciidanka uu dhawaan tababarka u furmay iyo kuwii ka qalin jebiyay dugsiga, taliyaha ayaa aad u amaanay ciidanka midowga afrika ee AMISOM oo gacan weyn ka geesta sidii gobolka u yeelan lahaa ciidamo hanta amniga gobalka, waxaana uu xaqiijiyay inay dhowrjeer ay soo gaarsiiyeen ciidamada waxyabaaha agab military ayna marwalba diyaar u yihiin inay soo gaarsiiyaan wixii ay u baahdaan.

Klanka oo qaatay saacado badan ayaa dhamaaan dadkii kazoo qayb galay waxay isl af garteen inay ka hortagan Duulan kasta oo kaga imanaya kooxa kasoo horjeeda Amaanka Deegaanada ay gacanta ku haayaan Ciidamada Deegaanka.

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top