Home / Wararka / Mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Marka oo uu ka bilowday Barakac.

Mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Marka oo uu ka bilowday Barakac.

Xaafad Ruusiyo oo ka mid ah Xaafadaha Marko oo maalmahan marti gelinaysay Qaraxyo is xig xigay oo lala eeganayey Ciidamada Amisom ayaa hada waxaa ka bilowday Barakac ay samaynayaan Dadka Xaafadaasi ku dhaqan.

Ciidamada Amisom oo fariisin ku leh Xaafada Ceel-xaaji isla markana marin u ah xaafadaasi ayaa dhawaan weerar qaraxyo ah waxa ay kala kulmeen Kooxo hubaysan qaraxyadaas oo dhaliyey qasaare soo gaaray Amisom ayaa qaraxayada ka dib waxaa jiray Rasaas ay fureen Ciidamada oo ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah iyo Bur bur guryo soo gaaray taas ayaa si weyn u baqdin gelisay dadka ku nool xaafadaasi.

Waxaa saake la arkayey qoysas ka guuraya Xaafada isla markaana ka cararaya waxyeelaynta Amisom oo caada ka dhigtay hadii lagu xanuujiyo qaraxyada inay dhibaateeyaan dadka suuqa ka Dukaamaysanaya iyo dadka kale ee ka ag dhow halka ay wax ku gaaraan.

Dadkan aya waxay maciin bidayaan xafado ay ka mid yihiin Xaafada Horseed iyo Xaafado kale.

Ciidamada amisom oo aad moodo in in badan lagu wax yeeleeyey qaraxyada ka dhaca Xaafad Ruusiyo ayaa hadana waxaa lagu soo waramaya in dhowr habeen ka hor ay weerar kala kulmeen Raxan Masas ah, weeraka masaska oo ay soo sheegayaan dadka ka ag dhow Xerada Ceelxaji ayan si rasmi ah u xaqiijin qasaaraha weerarka Masaska.

Nagala soo xiriir:

Info@markacadey.com

Info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top