Home / Wararka / Ciimada Nabadgelyada Degmada MARKA Oo Xoog Ku Qaaday Jidgooyo La Soo Dhigay Buufow-Bacaad iyo Gandaawi

Ciimada Nabadgelyada Degmada MARKA Oo Xoog Ku Qaaday Jidgooyo La Soo Dhigay Buufow-Bacaad iyo Gandaawi

Howlgal Maanta ay sameeyeen Ciidamada Deegaanka oo ay horkacayeen saraakiisha Deegaanka ayaa waxaa laga sameeyey Duleedka Magaalada Marka.

Ciidamada howlgalka sameynayey oo ahaa kuwo aad u feejigan isla markaana doonayey inay Xaqiijiyaan amaanka wadooyinka soo gala Marka ayaa Barqanimadii maanta waxay ku dhaqaaqeen inta u dhaxaysa Deegaanada Gandaawi iyo Buufow Bacaad oo maalmahan hami weyn uu ugu jiro kooxda Reer dhul boob oo doonaya inay halkaasi ka samaystaan Fariisan ay ku Dhibaateeyaan Gaadiidka iyo Dadka rakaabka ah ee isticmaalaya Wadadaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi waxay kula kulmeen jidgooyo ay soo dhigteen Maleeshiyaad ku hayba ah ninka lagu Mgacaabo Goobaale. 

Ciidamada ayaa xooga ku kala diray Maleeshiyaad tira yar oo ay isbaaro u tiilay halka lagu magacaabo Haanta Gandaawi oo maalmo ka hor halkaaasi lagu dilay Laba nin oo tuugo ahaa isla markaana ay u tiilay jidgooyo kuwaa  oo weerar kala kulmay Geesiyaasha Deegaanka oo har iyo Habeen usoo taagan hanashada Amaannka Deegaanda ay Degto Beesha Biimaal.

Goob joogayaal lahadlaya warsidaha Markacadey.com ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaaray Tuugada ay u tiilay isbaarada oo weerar abaabulan kala kulmay Geesiyaal usoo qalab qaatay inay kala cayriyaan tuugada.

Saraakiisha Deegaanka ee Maanta horkacaysay Howlgalka ayaa inoo sheegay in wax khasaara ah uusan soo gaarin Ciidamada howlgalka fuliyey.

Mana ahan markii ugu horaysay oo Geesiyaasha Deegaanka ay xoog ku qaadaan Jidgooyo ay soo dhigtaan Tuugo dadka dhibaataynaysa.

 Nagala soo xiriir:

 

Info@markacadey.com

 Info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

Comments are closed.

live webcam girls
Scroll To Top