Home / Wararka / Gudoomiye C/laahi Waafow oo Dowladda Culusow ku dhaliilay inaanay wax ka qaban dadkii lagu laayay Masaajidka Muuri

Gudoomiye C/laahi Waafow oo Dowladda Culusow ku dhaliilay inaanay wax ka qaban dadkii lagu laayay Masaajidka Muuri

Gudoomiyaha degmada Lambar Konton C/laahi Cali Axmed (Waafow), ayaa si xoogan Dowladda Soomaaliya ugu dhaliilay inaanay waxba ka qaban arrinta ku aadan dadkii lagu laayay Masaajidka ku yaala Deegaanka Muuri, oo hoos taga Degmada Lambar Konton.

Gudoomiyaha Degmada Lambar Konton ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa Dowladda ku dhaliilay inaanay waxba ka qaban, dadkii lagu laayay Masaajidka Deegaanka Muuri.Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay u muuqaneyso, in Dowladda Federalka ee Soomaaliya ay ka seexatay, wax ka qabashada kiiska ku qotoma lixda ruux ee lagu dilay Masaajidka dhexdiisa.

C/laahi Axmed Cali, ayaa sheegay dadka la laayay in loo dilay arrimo ku aadan xagga qabaa’ilada, kuwii dilayna ay maanta ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/laahi Waafow wuxuu kaloo sheegay in la garanaayo ragga dilka iyo dhaawacaba ka geystay Masaajidka Muuri, ha yeeshee dhibka jiraa uu yahay Dowladda, oo aan rabin buu yiri in wax ka qabato.

Mudane Waafow ayaa sidoo kale sheegay ka Maamul ahaan in ay tallaabo ka qaadi doonaan, ragga xasuuqa ka geystay Muuri, sida uu yiri.
6-da nin ee lagu dilay Masaajidka Muuri, ayaa la rumeysan yahay in ay daba socoto, Labo Mooryaan oo ka tirsan Dowladda oo 21-kii bishaan lagu dilay iyagoo dhac geysanaya meel u dhow Degmada Lambar Konton.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in horey ay dowlada uga gaabisay Odayaashi horey loogu xasuuqay degmada buur hakaba bishi lasoo dhaafay waxayna u muuqataaaaa sida ay wax u socdaan mid aan loo dulqaadan doonin.

info@markacadey.com
info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

Comments are closed.

live webcam girls
Scroll To Top