Home / Maqaallo / Halganka Gobolka shabeelada Hoose ma’u istaagi Doono Dhaqan Fulaynimo ah oo lagula kaco Shacabka Deegaanka.

Halganka Gobolka shabeelada Hoose ma’u istaagi Doono Dhaqan Fulaynimo ah oo lagula kaco Shacabka Deegaanka.

Salaadiin kasoo jeeda Gobolka shabeelada Hoose oo kasoo amba baxay Magaalda Baydhabo ayaa 23kii bishii aynu kasoo gudubnay ee Maarso ayaa meel u dhow Buur-hakaba waxaa lagula kacay Xasuuq si toos ah usoo banaan dhigay falalka fulaynimada ah ee ay gaysanayaan Kaabo mooryaantii loogu itaal roonaaday Gobolka shabeelda hoose .

falkaasi ayaa markii uu dhcay ka dib waxaa la filayey in xoogaa Hoos u dhac uu ku imaanayo Halganka dheer  ee loogu jiro Xoreynta Gobolka, laakiin taasi ma dhicin oo cid kasta oo kasoo jeeda Gobolka waxay si cad ah u rumaysteen in Odayaasha la laayey Dhiigooda ay sahli karto Xornimo aan Fogayn Helitaankeeda. waxaana si toos ah u amba qaadmay Diyaar garowga loogu jiro Duulaanda Cadowga oo mar kasta ku haminaya in mar un ay soo celiyaan Rajadoodii ahayd inay gumaystaan Reer Shabeelda Hoose taas oo u muuqata Riyo aan marnaba Rumooowi Doonin.

Habeennimadii Jimcaha ay Sabtida soo galaysay bishuna ay ku beegnayd 25, ayaa fal kale oo fulaynimo ah waxaa uu ka dhacay Deegaanka Muuri oo hoos taga Degmad No50 falkaasi oo lagu laayey Culimaa’udiin Kusugnaa mid ka mid ah masaajida ku yaala Deegaankaasi kuwaa oo u taagnaa Cibaadada Alle iyo Barashada Cilmiga, inkastoo ay nasiib u yeesheen dadkii la laayey in iyagoo Cibaadaysanaya hadana ay la kulmaan Gacan ka xaqdaran ayaa hadana falkaasi waxaa uu muujiyey in meel kasta aan laysku dhaafi doonin tallaabadaas oo ah tallabooyinka ay ku dhaqaaqaan Kooxaha fulaynimda ku caan baxay.

marka uu dhacayey falkan ayaa waxaa u muuqanayey kooxdan Gardarada badan in ay hakinayaan Halganka dheer oo ay u moodaan in uu hakinayo Dilal iyo hanjabaado loogaysto Dad Deegaanka ah laakiin taasi waxaa mar kale si cod dheer ku beeniyey Hugaamiya yaasha Ciidamada Deegaanka oo sheegay in fal fulaynimo ah uusan marnaba hor istaagi doonin Halganka loogu jiro ka xoreynta Kaabo Mooryaanta Dhaqaalaha ka bartay Shabeelada Hoose sheegayna inay ka xigaan Geeri.

mrka aan kasoo gudbo Dilalka ka dhcaya Gobolka ayaa hadana dhanka kale waxaa jira qorshayaal ay maleegayaan Cadowga oo mar kasta ka quusan la’ Dhulka ay degto Beesha ku caan baxday Halganka iyo la Dagaalanka Gumaystaha {Biimaal}.

inkastoo aqristayaasha aysan u baahnayn faah-faahin ku aadan Taariiqda Beesha Biimaal ayaa dhanka kale marka loo eego waxaa jira in Halganka dheer oo in muda ah loogu soo jiray Deegaankan uu yahay mid hada Bilow ah weliba maalin kasta ay soo baxayaa Naftooda huriyaal u diyaar u ah inay Dhiigooda ku bixiyaan Dhulkan, halka Cadowga gobolka ay filayaan inuu Dib u dhici doono Hanka reer shabeelda hoose oo ku aadan Hanashada Dhulkooda.

Hadaba sida muuqata Duulaanada Cadowga  Reer dhul Boob waxay yeesheen wajiyo kala duwan maadaama ay horay ugu fashilmeen isku dayo ay ku doonayeen inay kusoo celiyaan sumcadoodii ku luntay  dhibaataynta Umada ee ahayd Dhaca, kufsiga, Boobka Hantida shacabka iyo sheegashada lahaanshaha Guryo Dad weyne taas oo ay u arkaan sumcadoodi luntay.

waxaa horay wacad u maray Horjoogayaasha Ciidamada Deegaanka oo kaashanaya Shacabkooda kuwaa qabsashada Reer Shabeelada Hoose ku tilmaamay Riyo marnaba suur toobi doonin inta ay Gabar ka nooshahay.

 

W/Q: Col. Mohamud Ookar

Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Sh/hoose

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top