Ururka Al-Shabaab oo markale weeraray Magaalada Mandheera

Members of the hardline al Shabaab Islamist rebel group parade through the streets of Somalia's capital MogadishuIska horimaad xoogan ayaa xalay ka qarxay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii ay soo weerarayn niman hubeysan.

Ragga weerarka soo qaaday, ayaa waxay laba jiho ay ka soo kala weerarayn Saldhiga Booliska ee Degmada Mandheera. Iyagoona kula dagaalamay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala.

Rasaasta nool nool, ayaa si weyn looga maqlaayay inta badan Magaalada Mandheera. Waxayna dareen cabsiyadeed ay ku beertay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi.

Xoogaga weerarka soo qaaday, ayaa waxay dib uga baxayn Magaalada Mandheera. Xilli la sheegay in uu gurmad xoogan uu soo gaaray Ciidamada Booliska.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaan ka dhashay. Weerarkaan oo dhacay xilli habeen ah iyo dadka oo aan guryahooda ka soo bixin.

Weerarkaan ayaa waxa uu daba socdaa weerar kaloo Magaalada Mandheera ka dhacay, muddo haataan laga jooggo laba habeen oo kaliya.

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com