Home / Maqaallo / Talada Dowladda Waa Tacab Qasaar Ee Aan Ka Tashano – By: Hussein Bashiir

Talada Dowladda Waa Tacab Qasaar Ee Aan Ka Tashano – By: Hussein Bashiir

Sida aan la socono Toddobaadkii hore waxaa Magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia ku suganaa madaxweynaha Kenya Mr Jomo kenyatta isagoo wada hadal ku saabsan arrimaha soomaaliya layeelashay dhiggiisa Ethiopia.
Mr Jomo kenyatta oo aan horay looga baran booqashada noocan ah ayaa dadka ka faallooda siyaasadda bariga africa ku tilmaameen booqashadiisa iney tahay sidii ay labada wadan iskaga kaashan lahaaheeyeen dhaqaalaha kasoo gala burburka iyo fowdada soomaaliya iyo sidii ay heshiis cusub uga gaari lahaayeen arrimahan maadaama ay ciidamadooda hada kawada tirsan yihiin amisom.

Ethiopia iyaa iyadu tan iyo sanadkii 2012 u dagaalameysay inay ciidamadeeda ka mid noqdaan kuwa Amisom maadaama xukuumada Uganda ee hormuudka u ah Amisom isla sanadkaas heshay dhaqaale ka badan $500 milyan oo loo qoondeeyey askartooda ka hawl gasha soomaaliya.

Sidoo kale, Ka bixitaankii Ethiopia ay xilligaas kaga baxeysay magaalooyin badan oo soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay kaga mudaaharaadaysay diidmada loo diidanaa iney kamid ahaato Amisom, Ugu danbeyntiina way ku guuleysatey iney kamid noqoto.

Dhaqaalaha sanad keliya ay ka helaan soomaaliya dowladahan kenya, ethiopia, brundi, djbouty iyo uganda waxa ay tabar caalami ah u dhameyn karaan 200.000 oo askarta soomaaliyeeda oo ay islamarkaana qalabeyn karaan, Balse hadey sidaa dhacdo oo dadka deegaanka la askareeyo waxaa imanaya nabad waarta iyo kala danbeyn taasna dan uma aha qowleystada muqdisho dhooban iyo xulufadooda kale.

Tayo xumida dowlada muqdisho ay leedahay iyo dhibaatooyinka ay u horseeday shacabkeeda waa mid aan kedis ku iman oo in badan lagasoo shaqeynayey.

Haday xasilooni timaado ugu yaraan guryaha bililiqada ay ku qaateen waa laga xayuubin hantida soomaaliyeed ee ay ku takri falaana waa lagu xisaabin, Dhowrkaa arimood oo is biirsadey iyo kuwa kaloo badan awgeed dowladda way ku qanacsantahay sida ay hada wax u socdaan. Waxaaba laga yaabaa in shabaabku yihiin qolo dowladu sameysatey oo hubkiina siisa si ay usii wataan falalkooda guracan.

Cudurka somaaliweyn hareeyay ee caafimaadka loo waayey waa mid ay mas’uul katahay dowlada muqdisho, waana mid maalin lagula xisaabtami doono. Sidoo kale jilaafooyinka ay qolyahan dhigayaan waxaa mar walba ka adkaanaya rabitaanka shacabka iyo hamiga nabada. Ummad waliba aayaheeda iney garato iyadaa leh!

Qof kastoo dadka deegaanka ahba waxaa la gudboon inuu doorkiisa ka qaato la dagaalanka mooryaanta dowlada isku sheegta ee nabad diidka ah.
Ninkaan hubkiisa ku ilaalsan ceelkiisa waa laga aasi ka calooshii u shaqeystana waa tuke cambaar leh!

Tusaale waxaa inooga filan Gobolka sh/hoose waa gobolka ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan dalka balse nasiib xumo waxa uu mar waliba hormuud unoqdaa dhibaatada iyo macluusha dalka, si qasriyo waaweyn loogu iibsado malaayiinka doolar ee mucaawinada loogu soo dhiibo, dadka deegaankana u le’daan oo sidaa lagu dhaxlo.

 

W/Q: Hussein Bashiir

hbashiir@gmail.com

info@markacadey.com

info@markanews.net

Scroll To Top