Home / Maqaallo / Warbixin: Howl-galka ka soconaya Sh/hHoose, yaa mudan inuu Hugaamiyo marka laga reebo Ciidamada Amisom?

Warbixin: Howl-galka ka soconaya Sh/hHoose, yaa mudan inuu Hugaamiyo marka laga reebo Ciidamada Amisom?

Markacadey.com : Waxaa si wen loo hadal hayaa in qaar ka mid ah degmooyinka Goboka Sh.Hoose gaar ahaan Goobaha ay gacanta ku hayaan Xarakada AL-shabaab inuu ku wajahan yahay duulaan aad u xoogan..

Sida la hadal haayo waxaa durbaba soo if baxaya in qabasahada Deegaanada lagu wajahanyahay lagu abaal mariyey Dhiigya cabyada horey u gumaadi jiray dadka kasoo jeeda Shabeelada Hoose oo mudooyinkan dareemaya xoogaa fursad ah oo ay ka kala heleen Ciidamad Deegaanka oo naftooda u hurau inay dadkooda ku noolaadaan Xurnimo iyo Xarakada Shabaab oo meelaha ay ka taliso dadka ku nool wada sintay.

 Deegaano ay ka mid yihiin Shalambood, Danow iyo kabtan-laas ayaa waxaa soo buux dhaafiyey Maleeshiyaad Habargidir oo ay kala hogaaminayaan Maxamed Rooble Jimcaale {Goobaale} iyo Liiwaan Madaxey kuwaa oo Dowlada Xasan Culusow ay ku abaal marisay inay sii gogol xaartaan Buulo-mareer iyo meelo kale si markale loo huriyo Dagaalo dhex mara Ciidamada Deegaanka iyo Maleeshiyada Dhul boobka ah iyo si loo abuuro Gumaad cusub. Hadaba waa su’aale taasi ma tahay mid ka suurowda daka Deegaanka? 

 Sida la wada ogyahay inta badan meelaha ay gacanta kuhayaan ciidamada deegaanka waxaa ka jira amaan iyo kala dambayn, weli lagama codsanin ciidamada inay ka mid noqdaan kuwa xureynaya meela iminka lagu wajahann yahay taasi bedelkeeda waxaa usoo qalab qaatay Maleeshiyada Reer dhul Boob oo Habeen iyo Dahaaraar kusoo qarwa lahaanshaha Gaalkacyo ilaa Kismaayo, waaba yaabe ma waanay jirin Beelo kale oo Dega dhulkan oo ku nool? Haday iyagu dhulkaan baaxada leh sheegayaan Somalidu dhan ma iyaga?Wallee maxay Riyo maalmeed ku waasheen..

Inkastoo ay wax walba dhici karaan ayaa hadana howsha reer dhul boob waxaa loo wakiishay inuu ka mira dhaliyo Wasiiro Dowlaha wazaarada Maaliyada ee Xukuumda Cabdi weli Sheeq ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Nuur, Mudulood Agoonyar, weliba ku hayb ah Xasan Culusow Madax weynaha Dowlada ay maamulaan nin iyo Seedigiis, si loo qariyo cida duulaanka ku qaadaysa shabeelda hoose waxaana sidoo kale howshan lagu soo biiriyey gadaalna ka taagan Mid ka mid ah milkiiliya yaasha Hotel city palace oo jufo ahaan kasoo jeeda Habar gidir Ceyr.
Inta badan kulamada kala duwan ee luugu arin sanayo Duulaanada Reer dhul boob ay ku soo qaadaan Gobolkan wxaa uu ka dhacaa Hotelkan ku can baxay in lagu shirqoolo Umuda.
Quboro u dhashay Gobolka si weyn uGu howlanaa mashaakilka siyaasadeed ee soo wajahay Gobolk ayaa waxay ku howlanaayeen inay soo baaraan cida loo adeegsanaayo weerarada reer dhul boob ay ku hayaayaan Shabeelada Hoose, mar hadii aysan iayagu u tabar heleyn xilli aynu go,een Dagaaladii haore ayaa waxay soo xaqiijiyeen in Dowlada Xasan Culusow ay uGu weyn tahay kuwa hurinaya Dagaalada oo hami weyn ka leh Shabeelada Hoose.
Somalidu waxay ku maah-maahdaa Fardo laysu haayo laykuma faansho, taasi bedelkeeda Reer dhul boob ayaa horey loogu diray baaq ahaa inanu waxba u dhaamin dhulka dhagaxa ah ee ay kasoo jeedaan ayna ku daalin Dhul umadiis aiminka ay usoo jeeda.
waxaan ka war dhowri doonaa halka uu ku dhamaado Dagaalka wajiyada cusub lagu soo biiriyey weliba wajiyda kala duwana loo yeelay..
info@markacadey.com                           info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

Comments are closed.

live webcam girls
Scroll To Top