Dr Mohamoud Omer Abdulrahman

Dr Mohamoud Omer Abdulrahman Oo Amni Xumo Darteed Uga Cararay Isbitaalka Guud Ee Degmada Marka

Xaalada amaan xumo ee magalada Marka ka jirta waxay saamayn ku yeelatay dhinac walba oo bulshada la xiriira. Hadaan ka hadalno dhinaca caafmaadka iyo arimaha bulshada magalada waxaa ka barakacay dhakhatiirtii u shaqayn jirtay dadka ku nool magaalada Marka iyo qaar badan oo ka mida shaqaalaha caafmaadka.

Sababta ay uga carareena waxay tahay xaaladac olaada ka jirta magaalada iyo ciidamada maleeshiyaadka ee is horfadhiya oo ku dagaalamaya magaalada gudeheeda,gumaadka iyo dilalka qorshaysan oo ay gaysanayaan qolooyinka nabaddiidka ah eeAlShabaab.

Waxaaka mid ah dadkaas ka cararay magaalada Marka DrMohamoud Omer Abdulrahman oo ahaa dhakhtar dhalinyaro ah waxna ku soobartay Dalka SUDAN kaasoo kamid ah dadkii magaalada wax usoobartay, wuxuu kahowl galaayey isbitaalka guud ee magaalada Marka qaybta Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuu kashaqaynayay isbitaalka degmada mudo labo sano ah isagoo wax wanaagsan ka qabtay dhimashada iyo xanuunada hooyada iyo dhalaanka.

Dr. Mohamoud Omer Abdulrahman ayaa naftiisa la baxsaday oo shaqadii uu umadiisa u hayay ka tegay dhamaadka sanadkii aan ka soo gudubnay ee2016-ka, waa nasiib daro hadii aysan ku noolaan Karin dadkii magalaada wax u soobartay oo qabiil ahaan lagu beegsanaayo , magaaladaMarka waxay dhaxal u heshaydhalinteedii wax u soo baratay oo wadanka gudihiisa iyo banaankiisa wax kasoo baratay inay imaan wayaan oo kashaqaysan waayaan kuwii yimaadana ay naftooda halis gelayso oo ay ka cararayaan magaaladaMarka, waxa magaaladan ku nool bulsho fara badan hadana daryeelka caafimaadka magaalada aad ayuu u liitaa.

Dr Mohamoud Omer Abdulrahman( 2016)

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise