Siyaasiyiin iyo Waxgarad Taageeray in Maamul loo Sameeyo Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose (Sawiro)

Kulankan oo lagu taageerayey samaynta Maamul Gobeleedka Koonfur Galbeed oo ay ku midaysan yihiin Gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose ayna ka qayb galeen Xildhibaano Siyaasiyiin iyo Qaybaha kale ee Bulshada ee ka soo jeeda Goboladaas ayaa waxa uu ka dhacay Magaalda Muqdisho.

Waxgaradkii ka qayb galay Kulankaasi ayaa Taageeray dhismaha Maamul Goboleedka Sadexdaasi Gobol, waxa ayna sheegeen in Xukuumadu ay u fududaan doonto samaynta Maamul Goboleedyada ayna hanan doonto gebi ahaan awooda Dalka.

Xildhibaan Sheekh Aadan Mad deer oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sadexda Gobol ee Baay, Bakool iyo Sh/Hoose ay yihiin gobolo Mataano ah  isla markaana bulshada ku nool goboladaas ay soo dhawaynayaan Maamul u samaynta Goboladaas.

Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay Nabadoon Axmed Maxamed “Macalin Barre”  waxaa uu sheegay Goboladaan Sedexda ah dadkooda ay yihiin dhaqan wadaag waana laga maarmaan in ay dhistaan maamul Mideeya, anagoo og in lixda gobol ee Koonfurta Soomaaliya dadkeena ay degan yihiin hadana waxaan ku ixtiraameynaa Dowlada mudada labada sano ee Kumeel gaar ah kadib ayaan ka tashaneynaa aayaha Lixda Gobol ayuu yiri Nabadoon Axmed Maxamed Macaliin Barre.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maalmahan si xawli ah u socday Magaalada Muqdisho Kulamo lagu taageerayo dhismaha Maamul Goboleed ay ku midaysan yihiin Sadexda Gobol ee Baay, Bakool iyo Sh/Hoose.

DSC_00581 DSC_00721 DSC_00761  DSC_00751 DSC_00611 DSC_00891

 

info@markanews.net
info@markacadey.com

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

Editor

Editor

8 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com