Fadlan Ka Qayb Qaado Barnaamijka “Afuri walaalkaaga Sooman” Oo Laga Bilaabay Magaalada Marka(Akhriso Gudiga)

Iyadoo 5 maalin kaliya ay ka harsan tahay bisha barakeysan ee Ramadan ayaa waxay gudi culimo ah oo ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose isku xilqaameen inay furaan Xarun lagu afuriyo Walaalaha Soomaan ee aan haysanin Afurka.

Barnaamijkan oo gudiga ay ugu magac dareen “Afuri walaalkaaga Sooman” ayaa waxaa loogu talo galay in lagu afuriyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Marka isla markaasina aan awoodin inay helaan Afurka bisha barakeysan ee Ramadan.

Gudiga Culimada ee howshan fulinaayo ayaa ka kooban 4 qof oo midkood uu yahay gudoomiye halka sadexda kale ay yihiiin Xubno qayb ka ah fulinta barnaamijka afurinta ah.

  1. Macallin Cabdiqaadir Xuseen Cumar    –   Gudoomiyaha gudiga Afurinta degmada Marka
  2. Macallin Maadey Cumar Sheekh Ookar  –  Xubin
  3. Sheekh Xasan Sabtow   – Xubin
  4. Sheekh Ismaciil Cumar Faarax  – Xubin

Walaal, Fadlan ka qayb qaado barnaamijkan oo Sadaqada aad baxsaneyso ku hagaaji magaca hoose ee gudoomiyaha gudiga Afurinta walaalaha Sooman ee magaalada Marka.

Macalin Cabdiqaadir Xuseen Cumar             Telefon: 00252615442992

Walaal ka qayb qaado Afurinta walaalkaaga Soomaan ee aan haysanin raashin uu ku Afuro.

NB: Fadlan lacagta waxaad u diri kartaa kaliya Macalin Cabdiqaadir Xuseen Cumar, haddii gudiga uu go’aamiyo qof kale oo lacagta lagu diri karo dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.

Mahadsanidiin

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

2 Comments

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com