Aw-Jaamac Cumar Ciise – Taariikh-yahanka weyn ee Soomaaliyeed ayaa Geeriyooday(Alle ha u naxariisto)

Markacadey.com : Alle  ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey dalka Jabuuti Qoraaga, taariikh-yahanka iyo Suugaan ururiyaha weyn ee Soomaaliyeed Aw-Jaamac Cumar Ciise. Aw-Jaamac waxaa uu  ka mid ahaa dadka tirada yar ee isku hawla in ay badbaadiyaan afka Soomaaliga waxaana uu kamid ah taariikhyahanada ugu caansan Soomaaliya.

Muddooyinkii u danbeeyey nolishiisa waxa uu ku qaatey dalka Jabuuti kadib markii uu halkaas dejiyey Madaxweynaha jabuuti ismaaciil Cumar Geele, si uu fursad ugu sii helo waddida shaqadiisi qoraalada ahayd.

Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto Aw-Jaamac ayaa ah Ururintii taariikhdii halgankii waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ee looga soo horjeeday gumeysteyaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sida dagaalada Daraawiishta la galeen Ingiriiska iyo dagaaladii beesha Biimaal la gashay Talyaaniga. Aw-Jaamac ayaa ahaa nin si weyn u yaqaanaa diinta Islaamka isla markaana culimo badan wax ka soo akhristey. Cimrigiisa oo Alle u barakeeyey ayaa hadda kor u dhaafayey 90 sano, waxaana uu ku dhashey magaalada Qandala.

Howl-wadeenada shabakada markacadey.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Aqoonyahan Aw-Jaamac Cumar Ciise, Allah danbigiisi ha dhaafo jannada fardowsana ha ka waraabiyo Aamiiiin.

 

 

info@markacadey.com                      info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

11 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com