Talo xumo tol ma badiso waxaa qoray Muxyidiin Maxamed Xaaji Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya

Waa murti soomaaliyeed oo na bareysa talada in aysan naga xumaan si aanan u dhibaatoonin. Waa mid laga bixin karo sharaaxaado badan oo meelo badan taabaneysa, hase yeeshee, qormadeena oo ah mid kooban, waxaan kusoo gaabsaneynaa , dib u dhac iyo khasaaro in ay leedahay talo xumida.
Haddaba, talo wanaagsan si loo helo waxaa loo baahanayaa, taliye, hoggaamiye, horjooge iwm midkii la doono haloogu yeeree.
Hoggaamiyaha ama taliyaha wuxuu dadkiisa ku hoggaamiyaa wixii ay ku tashadaan oo ay isku raacaan ee micnaha ma aha in uu hoggaamiyahu jeebkiisa wax kala soo baxayo oo halkii uu isaga doono dadka u kaxeysanayo. Waxay Soomaalidu dhahdaa wixii la isku ogyahay ceeb ma keenaan, haddii ay keenaanna la iskuma canaanto.
Hoggaamiye oo asalka kelmadda ka timid hoggaan kaasoo badanaaba loo adeegsado hagidda xoolaha, waxaan oran karnaa, dadku waa u baahanyihiin cid hoggaamisa, sida neefka Awrka ah uu u oggolyahay in uu hoggaamiyo wiil yar amase cid uu isagaba ka xoog badanyahay, laakin waa in uu jaho wanaagsan u hoggaamiyaa.
Waxaa jira astaamo lagama maarmaan u ah in uu yeesho hoggaamiyaha, gaar ahaan, hoggaamiyayaasha dhaqanka oo ujeeddadeenu ay ku dul wareegsaneyso. Astaamahaas waxaa ka mid ah :
• Diin iyo anshax wanaag, mar haddii aynu nahay umad muslim ah oo weliba Muslinimadoodu ku adadag, waxaan ku qasbanahay in cidda ina hogaamineysa ay ahaato quf ku wanaagsan aqoonta Diinta Islaamka, gaar ahaan, Qur’aanka iyo Axaadiista iyo cilmiga Fiqhiga ama Axkaanta mucaamalaadka ee bulshada la doonayo in lagu dhaqo. Qufka ahlu diinka ahi wuxuu ka dheeraanayaa wax walba oo xumaan ah. Sidaas oo kale waa in uu yahay quf lagu yaqaan anshax wanaaggsan bulshada dhexdeedana aan magac xumo aysan u oolin. Waan in uu yahay quf dhowra sharafta iyo xasaanada uu huwanyahay ee umadda uu hoggaaminaayo, waa inuusan aheyn quf surin walba kaaga soo hor baxaya ama taagan gole walba iyo goob walba, waa in araggiisa uu noqdaa mid la abshireysto oo ay dadkiisuna u duceeyaan.
• Geesinimo, waa in uu yahay hoggaamiyaha quf geesi ah oo aan hafrasho iyo baqdin ku abuurneyn, waa in uu wajahi karaa xaaladaha adadag ee bulshada ay la kulanto. Waa in uu yahay quf naftiisa u huraaya marka ay gaarto xaaladda nolol iyo geeri, waana in uu ku qanacsanyahay sidaas ama arrintaas.
• Dulqaad, waa in uu yahay quf dulqaad badan oo u adkeysan kara waxa uga yimaada dadkiisa iyo kuwa kale ee ay la nool yihiin, waa in uu dul u yeeshaa shakhsiyaadka qalafsan ee dadkiisa iyo falalka ay ku kacaan. Waa in uu dul u leeyahay hadalada xanafta leh ee mararka qaarkood kala kulmo golayaasha lagu arinsado.
• Garsoorid iyo Cadaalad, waa arrin lagama maarmaan u ah hoggaaminta. Waa in dadkiisa uu si xalaal ah ugu cadaalad falaa oo aan lagu xaman nin jecleysi iyo jufo jecleysi. Waa in uu yahay quf aan haba yaraatee lagu xaman garsoor xumo iyo gar leexsan, haddii ay sidaas dhacdana hoggaan maran ayuu wataa, hoggaamiyahaas xariggiisuna xoolo kuma jiraan, wuxuuse moodaa in uu dad hoggaaminaayo. Bulshadu waxay mar walba u baahi qabtaa caddaalad, mana ahan wax ay ka dhergayaan oo ay ka maarmayaan ee waxay ugu baahi qabaan si joogto ah. Haddii uu tuhun ka galo in uusan hoggaamiyahooda u caddaalad faleyn waxaa soo kala dhex gala farqi kala fogaansho ah iyo kala duwanaasho afkaareed oo ay kaga soo horjeestaan hoggaankaas, taasina waxay horseeddaa in yoolkii iyo hiigsigii la laha la gaari waayo.
• Deeqsinimo, hoggaamiyaha astaamihiisa waxaa ka mid ah in uu yahay quf Deeqsi ah oo aan lagu xaman bakhiilnimo. Quf leh marti soor iyo bixin wixii uu hayo, gaar ahaan, taakuleeynta dadka kuwooda taagta daran, weliba jeebkiisana wixii ku jira ay noqdaan kuwo la isku haleeyo. 
• Ammaanad, hoggaamiyaha waa in uu ahaadaa mid ku sifooba aaminnimo oo marnaba aan shaki yar lasoo gelinin aaminnimadiisa. Waa in uu yahay mid dadkiisa gaarsiiya wixii loogu dhiibo si hagar la’aan ah. Wixii lagu aaminay oo ay ugu weyntahay hoggaanka waa in uu sideeda u dhowraa.
• Talo wadaag iyo go’aan qaadasho, waa inuu leeyahay hoggaamiyaha wanaagsan dad la tashi iyo casiimad. Waxaa la yiraahdaa: hoggaamiyaha wuxuu dadkiisa u horseedi karaa horumar iyo barwaaqo dhanka kalena wuxuu u horseedi karaa dib u dhac iyo colaad iyo hoog. Sidaas daraadeed, waa in uu ahaadaa mid qaata go’aan wanaagsan oo dadkiisa u horseedi kara horumar iyo wanaag.
• Degganaansho, waa in hoggaamiyaha uu ahaada mid leh degganaasho ee uusan noqonin mid duul duul badan oo xasiloonidii ka luntay. Haddii duubka madaxaaga aad dooneyso in uu kuu negaado degganaan ayaa la laasimaa haddii kale waxaad ogaaneysa in markiiba lagu ogaanaayo in aadan ehel u aheyn Duubka kuu xiran ( Madaxii Duub Yaqaanaa la Duubaa). Degganaansho la’aanta waxay astaan u tahay in walaac kuugu jiro oo nafsiyan aadan fiyoobeen ama uu jiro war kaa dhex guuxayo oo aad celin la’dahay. Cidda noocaas ahna ma noqon karto hoggaamiye dhaqameed amaba hoggaamiye noocii uu doonaba ha ahaatee.

Waxaa jira hal ku dhig caalami ah oo oranaaya :
( CIIDAN WANAN AH OO UU HOGGAAMINAAYO LIBAAX, AYAA LOOGA BAQDIN BADANYAHAY CIIDAN LIBAAXYO AH OO UU HOGGAAMINAAYO WAN).
Haddii hoggaamiyaha wanaagsan yahay uuna ku sifoobo astaamaha aan soo xusnay waxaa shaki la’aan ah in Tolkaas uu nolosha ku najaxaayo, haddiise uu hoggaankaas uu xumaado Tolkaas meel wanaagsan iyo wax wanaagsan ma filanayaan, waa tii la yiri:
TALO XUMO TOL MA BADISO.
( AAN IS QIIMEYNEE ANAGA HADDA SIDEE YIHIIN HOGGAAMIYAYAASHEENA DHAQANKA? )

WQ. Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim
Muhyadin2001@yahoo.com

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise