Dhegeyso Afahayeenka Koonfur galbeed “Toban Xubnood Waxaa Soo Xulaya Madaxweyne Shariif Waana kuwo aan Mudnaanta laheyn”

Afahayeenka Maamulka Koonfur galbeed C.qaadir Nadaara ayaa ka hadalay howlaha dhameystirka dhismaha Baarlamaanka maamulkaasi oo lagu wado ugu dambeyn in lasoo dhiso 20ka bishan.

Afahayeenka ayaa sheegay in tirada Xillibaanada Baarlamaanka ay gaarayaan ilaa 105 xubnood oo 95 ka mid ah ay soo xulayaan Odyaasha dhaqanka halka 10ka soo haray tira ahaan loo siiyey Madaxweyne Shariif si uu ugu qanciyo beelo uu sheegay inaanay odey ku lahayn Deegaanada Maamulka.

Waxa uu tilmaamay in Urur goboleedka Igad dhawaan xafiis uu ka furtay Magaalada Baydhaba islamaraaka Maamulka lagu cadaadinaayo in lasoo de dejiyo dhismaha Baarlamaanka.

Dhegeyso.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise