Ciidamada ItoobiyaOo Isaga Baxay Deegaan Muhiim oo ku yaala Hiiraan iyo Shabaab Oo Dib ula wareegay

Ciidamada Itopiya iyo kuwa DowladaFedaraalka oo qayb ka ah howlgalka midowga afrika ee amisom ayaa maanta isaga baxay Deegaanka Buq aqable ee Gobolka Hiiraan.

Deegaankan ayaa dhawaan waxa lagala wareegay Ciidamada ka tirsan Shabaab oo maamulayey sideed sano ee lasoo dhaafay, waxaana shabaabku dagaal la’aan ay isaga baxeen ka dib markii ay ka warheleen gulufka deegaanka oo kaga imaanayey xulafada isgarabsaneysay.

Saacado ka dib Ciidamada shabaab ayaa dib ula wareegay ka dib markii Ciidanka itoopiya ay ka baxeen fariisimayaashii ay deegaanka kaga jireen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa sheegay in deegaankan ay kaga baxeen xeelada dagaal hadana ay ka fogeen Deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa labadii maalin ugu dambeeyey la wareegayey dhul hor leh oo horey ay u maamulayeen Ciidamada amisom.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise