Dowlada Ruushka Oo Looga Digay Hubeynta Ciidamada Bishaar ee Siiriya

Xoghayaha Arimaha Dibada Mareekanka John Kerry ayaa qadka taleefanka kula xiriiray Wasiirka arimaha Dibada ee Ruushka ninka lagu magacaabo Sergei Lavrov si ay uga wada hadlaan hub la sheegayay in loo gacan geliyey xukuumada Bishaar al asad ee Wadanka Suuriya.

Kerry ayaa sheegay in dowladiisa ay ka wlaacsantahay hubka loo gudbiyey iyo gacan siinta Ciidamada Siiriyaanka ee la dagaalamaya Mucaaradka kasoo horjeeda.

Dowlada Ruuxshaka ayaa dooneysa inay hogaanka u qabato Dagaalka ka socda Suuriya oo ay sheegtay inay siineyo hub iyo khubaro Milateri oo tabar siiya Ciidanka Alasad.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhawaan sheegay in aan la gaarin xilligii ciidamo lugeenaya loo diri lahaa Suuriya balse ay gacan siinayaan sidii cududooda ay isaga difaaci lahaayeen mucaaradaka hubeysan oo sida weyn taageerada uga hela Mareekanka.

Sida muuqata Dowladaha Mareekanka iyo Ruushka ayaa waxa ka dhaxeeya dagaal qabow waxaana muuqanaya in dagaalkooda ay usoo weeciyey taagerida kooxha iskau haaya Suuriya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise