Maamulka Alshabaab ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa Ka hadlay qaaxii Janaale iyo La wareegid Deg Kurtunwaarey

Gudoomiyaha alshabaab ee gobolka shabeelad hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa guul ka sheegtay weerar ismiidaamin ah oo shalay ay la beegsadeen Ciidamo ka tirsan Amisom ee duleedka janaale.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in mid ka mid ah guutooyinka isqarxinta ay weerar qarax ah ku laayeen askar badan oo ka tirsan Amisom islamarkaana ay burburiyeen gaadiidka amisom oo ku sugnaa halka qarax uu ka dhacay oo uu ku sheegay inay aheyd keli kaga qalibmay gaari taw ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha shabaab ee Shabeelada hoose ayaa ka hadlay la wareegitaankii Degmada Kurntuwaarey ayaa sheegay in Amisom ay soo wajahday cabsi islamarkaana ay ka baqeen in weerar kale ay ku qaadaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise