Faafaahin laga helaayo Weerar Ismaadaamiin Oo Galabta Ka dhacay DuleedkaJanaale

Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo ku socdaalayey wadada u dhaxeysa Janaale iyo Buufow bacaad ayaa lagu weeraray qarax xoogan.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyey ruux naftii hura ah oo watay gaari naaca homey-ga oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Beerta Garshiini oo u dhaxeysa Janaale iyo Buufow Bacaad.

Weerarka ayaa waxyeelo xoogan waxa uu gaarsiiyey gaari nooca Xamuulka qaada ah oo waday Moos fara badan oo uu kasoo rartay beerta garshiini, waxaana halkaasi ku geeriyoodey wadaha gaariga iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa.

Dad ku sugan Janaale oo Markacadey la hadlay ayaa soo sheegaya in uu bur bur soo gaaray Gaariga Mooska oo noociisa lagu sheegay shanta diyeeshe.

Amisom ayaan weli ka hadlin qaraxa ismaadaamin ee maanta lala damacsanaa hase ahaatee aan lagu waxyeeleen xilli gaari uu kaga qalibmay meel u dhow halka qaraxa uu ka dhacay.

Weerarkan ayaa imaanay iyadoo maalintii talaadada ee aanu kasoo gudubnay weerar khasaare badan geystay lagu weeray xerada amisom ee janaale.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise