Beeshi Direed oo qaadacday Mgacaabista Taliyaha ciidanka Xoogga dalka

Kadib markii Xubnaha Golaha Wasiirada Xukumada Somaaliya ay shalay isbedel kusameeyeen hogaanka Ciidanka xooga dalka ayaa waxaa arintaasi siweyn kaga hadlay Saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ee hada kusugan magalada Muqdishomagacaabeen.

Nuur Maxamed CaLI oo loo yaqaano Biikole oo kamid ah Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa uu shaaca kaqaaday in magacaabistaas aysan kuqanacsaneyn isagoo kuhadlayay magaca beel uu sheegay inuu kazoo jeedo islamarkaana xaqii ay kulahaayeen dowlada Somaalia ay kawaayeen .

Mastar Biikole ayaa intaas kudaray in beelo gooni ah lagu koobay Saraakiisha Ciidanka taasina iyaga ay kazoo horjeedan ilaa inta ay xaqooda kahelayaan isagoo arintaas sabab uyeelay.

Dhanka kale Nuur Maxamed Biikole ayaa waxa ugu baaqay Madaxweynaha Somaaliya in uu isbedel sameeyo  kana run sheego balan qaadkii uu sameeyay xiligii doorashada isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu cadeeyay in Ciidana xoogga dalka ay isbedel dareemeen xiligii uu Ra’iisul Wasaare dalka ka ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo.

Maka laga soo tago hadalka  Mastar Biikole oo sheegay inuu yahay Saraakiishii hore ee Ciidanka xooga dalka majiraan cid kale oo kahadashay magacaabista taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka

Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa horyaalo shaqooyin dhowr ah oo ay ubaahan yihiin Ciidanka xoogga dalka .

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise