Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka Hiiraan Oo Isku Dhiibay Ahlu Sunnah

Taliyihii nabad sugida Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cali Fanax ayaa saake isku dhiibay Maamulka koocda ahlu sunnah ee fadhigeedu yahay Degmada Matabaan.

Sarkaalkan ayaa ka carooday xil ka qaadis uu ku sameeyey maamulka C/fataax Xasan ee Hiiraan, waxaana uu ka biya diidsanaa in uu xilkaasi laga qaado.

C/fataax aafrax iyo gudoomiyaha Magaalada Beledweyne ayaa shalay kulan ay la qaateen sarkaalkan ku wargeliyey in uu xilka si nabad ah uu ugu wareejiyo Sarkaalka cusub oo lagu magacaabo Faarax C/hi Juuni.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hiiraan ee C/fataax afrax ee ku aadan gaasashada sarkaalkan

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise