Ciidamada Amisom oo Deegaankii Labaad Mudo 24 saac isaga baxay Iyo Shabaab Oo la wareegay

Ciidamada amisom ayaa xalay isaga baxay Deegaanka Saliini oo duleedka ka xiga Degmada Nambar 50 ee Gobolka shabelada hoose.

Ciidamada ka guurey Saliini ayaa ku darsamay Ciidan kale oo horey u degenaa Deegaanka Nambar 60 oo wax badan aan ka fogeyn xerada saliini oo xalay laga guuray.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in ay filayeen amisom oo ka guurta Saliini waxaana ay sheegeen maalmahan in ay dareemayeen qalab qaadashadooda iyo diyaar garowgooda.

Dagaalyahaanada shabaab oo aan wax badan u jirin Deegaanka Saliini ayaa aroornimadii saake si buuxda ula wareegay, waxaana haatan deegaankaas lagu arkayaa dagaalyahaano badan oo shabaab ka tirsan.

Ciidamada amisom ayaa 24kii saac ee aan kasoo gudubnay lumiyey 2deegaan oo muhiim ah, gelinkii dambe ee shalay ayaa amisom ka baxday Kurtunwaarey waxaana isla waqtigii ay ka baxeen la wareegay Shabaab.

Weerarkii janaale ayaa ka dhigan in ciidamada amisom uu ku qasbayo inay isaga baxaan fariisimayaal ay ku leeyihiin shabeelada hoose sida dhowr jeer oo horeyba u dhacday.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise