Ciidamada Ugand oo ku hanjabay Inay Inay Jawaab Deg deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Janaale

Captain Paddy Ankunda afahyeenka Ciidanka Milateriga Dalka Uganda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray warbixin uu ku sheegayo in jawaab deg deg ah ay ka bixin doonaan weerarkii dhawaan lagu qaaday Xerada Ciidamada amisom ee Janaale.

“Weerarkan wuxuu wax ka bedeli doonaa ciyaarta, waxaan leenahay Al-shabaab ha fishaan Jawaab adag oo dhaqso ah oo ay ciidamadeena Somalia jooga ka bixin doonaan Weerarkaas,” ayuu yiri Ankunda.

Afahayeenka ayaa beeniyey in askar gaareysa 50 looga dilay weerarkii janaale lagu qaaday islamrkaana la qafaashay ku dhawaad 50 kale wuxuu arinkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah, wuxuuna qiray in 12 askari ay uga dhimatay weerarka.

Dublumaasiyiin reer galbeed ah ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegayaan in askar badan looga laayeyciidamada amisom weerarkii janaale.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise