Walaalka La dhashay Xasan Sheekh Oo Xooga Guri kaga saaray Sarkaal Ka Tairsan Ilaalada Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yiilay Waqooyiga Muqdisho gaar ahaa Degmada C/casiis xooga looga looga saaray Sarkaal ka tirsan ilaalada Xafiiska r/wasaaraha Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaashi Bulxan.

Sarkaalkan ayaa ahaa darawalkii khaaska ahaa ee Madaxweynihii hore Dowladii Kacaanka Jaale Siyaad, waxaana hada uu ka tirsan yahay saraakiisha ilaalada xafiiska r/wasaaraha dalka.

Walaalka la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu magacaabo Cali Sheekh Maxamuud islamarkaana garab ka helaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa xalay xoog sarkaalkaasi kaga saaray Gurigiisa.

Gelinkii dambe ee Maalintii arbacada ayaa la sheegay in Ciidamo nabad sugid ah ay guriga kasoo wateen Xaaashi Bulxan xabsigana u taxaabeen, waxaana golaha wasiirada iyo r/wasaaraha ay amreen in lasii daayo Xaashi lagana wada hadlo wixii tabasha ah ee jira.

Muran in muda ah soo jiitamayey oo ay gashay maxkamada sare ee dalka oo cadeysay sax ahaanshaha guriga oo cadeymihiisa uu heysto Xaashi Bulxan ayaa xalay kusoo gaba gaboobya in xooga looga saaro.

Waxaa inta badan la sheegaa in dalka Soomaaliya aanay ka jirin cadaalad iyo nidaam dowli ah waxaana inta badan dhaa falal aan ku habooneyn Umada Soomaaliyeed hadana aanay jirin cid wax ka qabata.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise