Weerar Isqarxin ah Oo Ka dhacay Dalka Cameron oo Khasaare Xoogan geystay

Goob ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dalka Cameroon iyo kooxda Boko haram ayaa waxa ka dhacay weeraro isqarxin ah oo lagu qaaday meel ay joogeen dad u badan shacab.

weerarada qarxyada oo ahaa laba weerar ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 19 ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 140 ruux.

Dadka geeriyoodey iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan shacab ka agdhawaa goobta waxyeelada ay ka dhacday.

Weli ma cada cid qaraxyadan geysatay ama sheegatay hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay ka dambeyso kooxda Boko haraam oo marar badan ka fulisay dalka Cameroon weerao qaraxya ah.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise