Xukuumada Soomaaliya Oo Xilka qaadis Maanta Ku sameysay Daahir Indha qarshe Islamarkaana Magacaawday Taliye Cusub.

Kulan Maant golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayey xilka kaga xayuubiyeen Taliyihii Ciidamada Dowlada ka dib markii cod loo qaaday, waxaana golaha wasiirada ay isku raaceen in la eryo Indha qarshe.

Golaha wasiirada ayaa isla shirka ay fadhiyeen ku magacaabay Taliye Cusub oo lagu magacaabo General Maxamed Aadan Axmed (Buud) oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee dowlada Jaale Maxamed Siyaad.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in isbedel badan loo baahanyahay si xal looga gaaro mashaakilaadka ragaadiyey amaanka dalka.

Taliyaha Cusub ayaa soo qabtay xilal kala duwan waxaana lagu amaanay shakhsi si weyn ugu wanaagsan howlada Ciidanka.

Waxa uu wax kasoo bartay dalal kala duwan oo ku yaala caalamka sida Ruushka, Mareekanka iyo Masar.

Taliya oo kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhul bahante ayaa looga fadhiyaa inuu isbedel ku sameeyo tayada Ciidanaka qabiilka qalabka sida ee Dowlada Muqdisho.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise