Gaari Ay leeyihiin Amisom Oo Ku Qalibmay Buundada Janaale iyo Wararkii ugu dambeeyey Xerada Amisom

Warar saake aan ka heleyno Degmada Janaale ee Gobolka Shabeekada hoose ayaa sheegaya in Gaadiid ka tirsan Ciidamada amisom ay gaareen xeradii shalay la weerary ee Janaale ku taala.

Dabaabaadka Amisom ayaa qaar ka mid ah gudbay Buundada burbursan ee qarax lagu xiray waxaana jira mid ka mid ah Dabaabaadka oo ku qalibmar Buundada.

Waxaa lasoo sheegayaa in gelinkii dambe ee shalay ilaa haatan weli gaarigaas uu ku jiroBuundada, waxaana lagu sheegay nooca taawga ah, gaadiidka qaar ayaa gaaray xerda halka qaarkoodna ay ku laabteen fariisinka Shalambood.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Diyaarad Hilocaptar ah ay ku degtay xerada islamarkaana lagu qaaday Meydadka Amisom iyo dhawaaca laga soo bixiyey beeraha dhexdooda.

Xaalada ayaa maanta u muuqata mid degen waxaana jirta cabsi weli ka taagan halka ay wax ka dhaceen maadaama dagaalyahaanada shabaab ay u jiraan meel aan ka fogeen xerada weerarka lagu soo qaaday.

Dadka reer janaale ayaa soo sheegaya in dagaalyanaahada shabaab weli lagu arkayo daafaha Janaale mana jiro askari ka tirsan amisom ama dowlada soomaaliya oo ku sugan saldhiga degmada laga maamulo.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise