Mareekanka Oo Ku Goodiyey In Ay Difaaci Doonaan Weerar Kasta Oo Ku Yimaada Koonfurta Kuuriya

Xog’hayaha difaaca ee Mareekanka Ashton Carter oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiinayeen Ciidamada Mareekanka ee ku kala sugan dunida daafaheeda ayaa ku goodiyey in ay difaaci doonaan hadii weerar uu uga yomaado kuuriyada koonfureed wadanka ay driska yihiin ee waqooyiga Kuuriya.

Carter ayaa wacad ku maray in uu guul dareysan doono isku day kasta oo ay soo qaadaan Ciidamada Waqooyiga kuuriya.

‘’Kuuriyada Waqooyi waa in ay fahmaan mar walba in gardarro kasta ay sameeyaan lagala xisaabtamayo, mana jiro fursad ay kaga awood badnaan karaan Ciidankeena iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed’’ ayuu yiri.

Todobaadkii hore ayaa labada Kuuriya ay muujiyeen inay cirska isku sii shareertay Xiisad u dhaxeysa waxaana heegan ku jira labada wadanka Ciidamada ka jooga Xadka.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise