Odayaasha Shabeelada Hoose oo gudbiyey Warqad ay Ku sheegayaan inay Ku heshiiyeen qaybsiga xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed(Akhri xildhibaanada beel walba)

Warqad ay ku qoranyihiin Salaadiin, Odayaal iyo Ugaasyo oo tiradooda lagu sheegay 26 xubnood oo ay ku sheegeen inay ku heshiiyeen qeybsiga Xillibaanada Maamulka Koonfur galbeed u gudbiyey Madaxtooyada Maamulkaasi.

Xillibaanada ayaa lagu qeybsaday sida ka muuqata shaxda la helay habka Degmooyinka waxaana Gobolka Shabeelada hoose kusoo aaday tiro gaareysa 36 xubnood oo ka mid ah 95ta Xillibaan ee Maamulka koonfur galbeed.

War aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan 10 xubnood oo lagu kordhiyey tirada Xillibaanada oo tirada guud ka dhigeysa 115 Mudane, shan ka mid ah la siyey Beelaha Hawiye, waxaana Madaxweyne Shariif ku qasbay kordhinta tirada Mudanayaasha baarlamaanka Culeys ka soo fuulay beelaha dhul boobka ka dib markii loo diiday in tiro laga siiyo tirada kusoo aaday Shabeelada hoose.

Shaxduna waxay u qornayd sidan.

1-Marko 5 Xubnood 3 Beesha Biimaal,1 Laba iyo tobanka koofi(Shiikhaal),
1 Habargidir(dhul boob)

2-Afgooye 5 Xubnood 3 Digil(Geledi),1Hintire,1 Mudulood(Wacdaan)

3-Wanlaweyn 5 Xubnood 5 Digil(Shanta Caleen)

4-Qoryooley 5Xubnood 2Gare,1Begedi,1Jiido,1 Duubane

5-Awdheegle 4 Xubnood 2Begedi,1Gare,1Biimaal

6-Sablaale 4 Xubnood 2Jiido,1Tuni,1Iroow

7-Barawe 4Xubnood 3Todoba tol(Tuni iyo Bawan)1Abgaal

8-Kurtunwaarey 4 Xubnood 3Jiido,1Duubane.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise