Alshabaab Oo Maanta Burburisay Buundooyinka Laga Galo Degmooyinka Qoryoole iyo Janaale

War aan ka helnay degmada Qoryoole ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maanta la burburiyey Buundadii ku tiilay afaafka hore ee Qoryoole laga galo.

Dad ku sugan Degmadaas ayaa soo sheegaya in saake waa berigii ay ka warheleen qarx lagu xiray Buundada islamarkaana la kacday ka dibna bur burisay guud ahaan Buundada.

Waxa ay sheegeen in Degmada Qoryooley Maanta ay soo gali karin gaadiidka xamuulka qaada ee Degmadaas imaanaya ama aan ka bixi karin.

Waxaa jirta oo dadka ay isticmaalayaan siday kusoo waramayaan Buundo aad burbursan oo ku taala dhanka Farxaane oo aanay isticmaali karin gaadiidka waaweyn ama xamuulka sida, waxaana taas lagu micneeyey in buundadaas ay tahay mid in muda ah jirtay oo halis ugu jirta in iskeeda ay go’do.

Degmada Qoryoole ayaa hada ku jirta xaalada adag oo dhan kasta waxaana jira dhaqa dhaqaaq Amisom shalay ay ka sameysay Deegaanaano hoos taga waxaana shalay amisom ay gaartay deegaanka Garsjeereet oo dhanka waqooyi ka xiga.

Deegaanka Garasjeereet ayaa waxa uu ku yaalaa wado ka baxda Qoyley oo dhanka galbeed kasoo gasha Awdheeg, waana halkii laga qabtay Degmada Qoryoole markii ay ka baxayeen Alshabaab.

Sidoo kale war ayaa sheegaya in saake iyana la burburiyey Buundada Degmada Janaale ka dib markii lagu xiray waxyaabo qarx.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise