Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Dharkiinley Oo Lagu Dilay Degmadaas

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa maanta degmada Dharkiinley ku dilay Madaxii dembi baarista degamadaas oo lagu magacaabo Ciise Macalin Yariis.

Madaxda dembi baarista oo watay gaarigiisa ayaa waxa toogtay kooxo watay dhug dhugley ama Mooto waxaana rasaas ay kaga dhufteen qaybaha sare ee jirkiisa xilli uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa.

Waxaana goobta isaga baxsaday kooxaha dilka geystay, xili dambe ayaa waxa goobtaasi gaaray Ciidamo isugu jira Boliis iyo Nabad sugid oo aan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilka geystay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise