Dibad baxayaal Maalintii Labaad Isugu Soo Baxay Caasmida Dalka Maleysiya

Kumanaan Shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada kua lumpur ee Caasimada Dalka Maleysiya kaas oo ay kaga soo horjeedaan R/wasaaraha dalkaasi.

Shacabka dibaxa sameenaya ayaa dalbanaya inuu iscasilo R/wasaare Najiib Razak oo lagu eedeey inuu dhaqaale fara badan uu ku shubtay akoonkiisa.

Lacagaha oo gaaraya ku dhawaad $700 milyan oo ay bixiyeen dowladaha deeqaha bixiya si wax loogu qabto arimaha gargaarka wadankaasi ayuu ku shubtay akoonkiisa u gaarka ah.

Ciidamo fara badan ayaa lagu soo daadiyey wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi iyo xarumaha dowlada si looga baaqsado inay rabshado dhacaan iyo weerar lagu qaado xarumaha dowlada.

Dowlada ayaa isku deyday inay baajiso dibad baxa hase ahaatee waxaa ka horymid dadka horboodaya, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed ayaa ku booriyey dadka in ay sii wadaan banaan baxa, wuxuuna kamid yahay siyaasiyinta miisaanka ku leh wadanka oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha hadda xilka haya in uu booska baneeyo.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise