Odayaasha dhaqanka Beesha biimaal oo diiday in ay qaabilaan Wafdiga uu kamidka yahay Mooryaan cali nuure siyaad ee ku sugan deeganka Ceeljaale

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha biimaal ayaa diiday in ay qaabilaan Mooryaan Cali Nuure Siyaad iyo wafdi badan oo hada ku sugan deegaanka ceeljaale, wafdigaan ayaa ka soo kictimay magaalada muqdisho kuwaasi oo gelbinaayay gudoomiyaha Degmada Marka Mudane Xsan cumar macli Shareco.

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Biimaal ayaa Ogolaaday inay qaabilaan Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumareey  iyo kuxigeenkiisa Amiin Sheeq Boobow , odayasha waxa ay yiraahden Cid alaala cidii deegankaan u dhalatay in ay qaabilaayaan isla markaana ay taagersan yihiin imaanshahooda, laakiinse marnaba aanay ogolaan karin in mooryaan dhiig cab ah ay deegaamkooda ku marti geliyaaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay ku sawaweeyeen inaanay qaabili Karin mooryaanta uu ka midka yahay Cali nuure siyaad Cali takfiir in uu debmiyo ka galay deegaanka dad badana uu ku laayay deegaanka ,gaar ahaan magaalada marka sidaasi darted nooma suura geli karto shaqsi demdiile ah in aan qaabilno sharafteena wey ka weyntahay sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka.

War aan ka heleyno degmada marka ayaa waxa ay sheegayaan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka qaarkood in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho ,lama oga sawabta keentay in odayaasha dhaqanka qaarkood ka soo tagaan magaalda marka xili ay joogaan wafdi uu ka mid yahay Gudoomiyaha degmada marka,  waxii ku soo kordha warkeena dambe ayaad kala socondoontaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise