Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Oo Ka Hortimid Heshiiskii Lagu Gaaray Cadaado

Maamulka Lamagac baxay ahlu suna ee fadhigiisu yahay magaalooyinka Dhuusmareeb iyo Guriceel ee gobolada dhexe ayaa ka horyimid heshiis shalay Cadaado ay ku saxiixdeen garab ka tirsan Ahlu sunnah iyo Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed.

Mid ka mid ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulka Ahlu sunah oo lagu magacaabo Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in waxba aanu ka jirin heshiiskaasi oo wax shaqa ay ku lahayn maamulkooda islamarkaana uu saameen ku lahayn kooxdooda ee dhuusamareeb iyo Guriceel.

Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in ay heshiiyeen maamulka Galmudug ee C.kariin iyo garab horay ugu biiray Dowlada Soomaaliya oo ka mid ahaan jiray Ahlu sunnah.

Arintan ayaa imaaneysa xilli maalintii shalay magaalada Cadaado lagu qabtay xaflad lagu kala saxiixday heshiis u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu sunnah.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise