Doonyo Siday Muhaajiriin Oo Ku Qalibmay Xeebaha Liibiya

Laba doon oo siday dad muhaajiriin ah ayaa ku degay xeebaha galbeedka ee wadanka Liibiya ka dib markii ay ku kaceen dabeylo xoogan.

Doonyaha ayaa ka tagay Xeebta Magaalada Zuwara waxaana mid ka mid ah ay siday dad gaaraya ilaa 400 oo qof halka tan labaadna ay siday in ka badan 50 qof oo dhamaan doonayey inay gaaraan xeebaha yurub.

War laga soo xigtay warbaahinta Liibaya ayaa sheegaya in doonta hore ay degtay galabnimadii shalay tan labaadna iyadu ay degtay xalay habeennimo.

Masuuliyiinta Liibiya ayaa ku waramaya in lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo dad gaaraya 201-qof. Dadka la socda doonyaha ayaa kasoo jeeda wadamada Suuriya, Pakistan, Morocco, Bangladesh iyo wadamo Afrikaan ah.

Waxaa la tuhunsanyahay in boqolaal muhaajiriin ah ay ku geeryoodeen xeebaha Liibiya kuwaas oo saarnaa doonyaha qalibmay.

Waxaa sii kordhaya doonyaha ay ku geeriyoonayaan dadka doonaya inay gaaraan Xeebaha Yurub oo ka ambabaxaya Liibiya.

 

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise