Wasiirka Gaashaandhiga oo Booqday Xero Saraakiil ay tababar Ku qaadanayaa Oo Ku Taala Masar (Sawiro)

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya  Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku sugan Wadanka Masar ayaa boqday xero ay tababar Ciidan ku qaadanayaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka xooga Dalka.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinayey Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali.

Waiirk ayaa la dardaarmay saraakiisha halkaasi tababarka ku qaadaneysa “Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan” ayuu yiri Wasiirka.

 

Wasiirka-Gaashaandhigga-iyo-Saraakiil-1-642x740

Wasiirka-Gaashaandhigga-iyo-Saraakiil-2-518x740 Wasiirka-Gaashaandhigga-iyo-Saraakiil-3-562x740

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise