Cadaado Oo Maanta Lagu Wado Inay Heshiis Ku Kala Saxiixdan Galmudug iyo Ahlu Sunna

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in maanta lagu wado in halkaas heshiis ay ku kala saxiixdaan Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Kooxda ahlu sunna.

Qaban qaabada xaflada ayaa hada ka socota Xarunta Madaxtooyada halkaas oo lagu wado inay ka dhacdo xaflada heeshiiska lagu gaarayo.

Shirar wada tashi ah oo maalmahan si hoose ay ula lahaayeen labada dhinac ayaa hada lasoo sheegayaa inuu soo gabagaboobay oo la sugayo in heshiiska lagu dhawaaqo.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caqabad xoogan maamulkiisa uu kala kulmay Kooxda Ahlu sunna oo maamusha qaybo ka tirsan Galguduud.

Waqtigii lagu balansanaa in la magacaabo golaha wasiirada ee Maamulka, waxaana lasoo sheegayaa in isla galabta lagu dhawaaqi doono xubnaha wasiirada.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise