Khilaaf Ka Taagan So Xulista Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed

Sida ay kusoo waramayaan dad ku sugan Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay odayaasha loo xil saaray soo xulista xilibaanada Baarlamaanka Maamulka koonfur galbeed.

Warka aan helnay ayaa sheegaya Odyaasha in ay isku maandhaafsanyihiin qaabka loo qaybsanayo xubnaha Baarlamaanka.

Beelaha qaar ee dega Gobolada Maamulka Seddaxda gobol ee koonfur galbeed ayaa lagu eedeeyey sad buri ay ku doonayaan inay ku helaan xubno tira badan.

Dhawaan waxaa warbaahinta laga maqlay beelo sheeganaya inay degaan gobolada koonfur galbeed kuwaas oo ku goodiyey hadii lasiin waayo xubnaha ay ku leeyihiin xilibaanada wax badan aanu socon doonin.

Odayaasha dhaqanka ayaa looga fadhiyaa mudo 30 maalmood gudahooda inay kusoo dhameystiraan soo xulista xillibaanada Baarlamaanka maamulka koonfur galbeed.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise