Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Fedaraalka Oo Maamulka Jubba Ku eedeeyey Qaraxii Jaamacada Kismaayo

Wasiir ka tirsan Xukuumada Cumar C/rashiid Cali Shar’ma arke ayaa ku eedeeyey Maamulka Jubaland inay ka dambeeyey qaraxii maalmo ka hor ka dhacay Jaamacada Kismaayo halkaas oo tababar ciidan ay ku qaadanyeen Ciidamo ka tirsan kuwa isku dhafka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumra Geedi oo ah Wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo guryeynta xukuumada fedaraalka ayaa sheegay in uu jiro tuhun ku aadan cida soo abaabushay qarax iyo qaabka uu u dhacay.

Waxaa uu sheegay in sarkaalka looga shakiyey ku lug lahaashaha qaraxa ee la toogtay in uu ahaa sarkaal ka tirsana Ciidamada Maamulka Jubba islamarkaana la toogtay isagoo wax su’aalo ah aan laga weydiin qaraxa baaritaanna aan lagu sameen waxa uu shaki geliyey sida deg deg ah ee loo toogtay sarkaalka oo uu sheegay inay keeni karto tuhumo la xiriira in Maamulka juba uu wax ka oogaa qarxa.

Waxaa uu intaas raaciyey in wadada hormarta jaamacada kismaayo ee qaraxa uu ka dhacay mudo sanado ah inay tahay wado ciidan oo aan la marin, wuxuuna su’aal ka keenay siday ugu suuragashay shabaab in halkaas ay qarax ka geystaan, isagoona sheegay in gaariga qaraxa lagu fuliyey u dhex yiilay Xerada dhexdeeda.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo qaraxa Kismaayo ka dhacay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise