Yurub Oo Hakineysa Qul qulka Qaxootiga

Madaxa ka hortaga arimaha Socdaalka Midowga Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa ku goodiyey inuu qaadi doono dagaal ka dhan ah kooxha wax tahriibiya, wuxuuna wacad ku maray in dib loo celin doono qaxooti badan oo yurub soo gaaray.

Waxa uu sheegay in dadka kasoo cararaya wadamada ay ka jiraan mashaakilaadka loo ogolaanayo inay sii joogaan Yurub, hase ahaatee dib loo celin doono dad uu ku sheegay inay dhaqaale usoo doonanayaan Wadamada Yurub.

Wadamo badan oo yurub ku yaala ayaa cabashooyin kasoo gudbiyey dadka soo galootiga ah taas oo cadaadis badan ku keentay dadka tirada badan ee tahriibaya.

Si wax looga qabto arrinta muhaajiriinta yurub ku sii qul-qulaya ayaa Mr Avramopoulous waxa uu ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha abaabulan ee dadka tahriibiya, inkastoo uu haddana qirayo in dhibaatada ka dhalatay muhaajiriinta ay suurtagal tahay in ay saameyn ku sii yeelato yurub muddo sanado ah.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise