Dagaal Xoogan oo Ka Dhacay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus saake uu ka dhacay deegaan duleedka ka ah Degmada Baardheere.

Dagaalka oo mudo qaatay ayaa yimid ka dib markii dagaalyahaano shabaab ay weerar ku qaadeen fariisn ciidamo dowlada ka tirsan ay ku lahaayeen deegaanka Qodaxey ee gobolka Gedo.

Dad ku sugan Qodaxey ayaa sheegaya in dagaalka ay ku geeriyoodeen ilaa shan ruux dhaawacuna uu intaasi kasii bdan yahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada ee Maamulka Gobolka gedo ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saake ka dhacay duleedka Baardheere.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise