Taliska Amisom ee Soomaaliya oo Cambaareeyey Qaraxii Shalay Kismaayo Ka dhacay

Taliska Midowga Afrika ee Amsiom ayaa si adag wuxuu u cambaareeyey Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xero ciidan oo ku taala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubada hoose.

Madaxa howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya Maman Sidokou ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu cambaareenayo weerarkaasi oo ay ku le’deen askar badan oo ka tirsanaa kuwo halkaasi tababarka ku qaadanayey.

Mas’uulkan ayaa sheegay in qaraxaasi aanu waxaba ka bedeli doonin howlgalka midowga afrika ee soomaaliya isagoo ku baaqay in lasii wado howlahooda.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaarha weerarkii shalay iyadoona si rasmi ah oo aan weli loo xaqiijin tirada dhimasho oo weli aan la ogeyn.

Maanta ayaa lasoo shegay inay korortay tirada dhimashada weerarkii shalay ku geeriyooday iyadoona la gaarsiinayo ilaa 24 ruux oo ku geeriyoodey halka dhaawacuna uu intaasi kasii badanyahay.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise