Maamulka Jubba Oo Toogtay Sarkaalkii Fududeeye Qaraxii Jamacada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ayaa sheegaya in la toogtay sarkaal Ciidan oo ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe oo lagu eedeeyey inuu fududeeyey qaraxii shalay lagu weeraray Xerada Ciidan ee uu ka soconayey tababarka.

Warka ayaa sheegaya in gelin dambe ee shalay la toogtay sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cali Sankuus oo ka tirsanaa saraakiisha maamulka jubba kaas oo sida la sheegay qeyb weyn ka qaatay qaraxii shalay kismaayo ka dhacay.

Sarkaalka ayaa la qabtay wax yar ka dib markii uu qaraxa dhacay, isagoo xilligii qaraxa uu dhacayey kasii baxayey xerada, waxaana la sheegay inuu ka degay gaariga qaraxa siday oo isaga uu soo dhaafiyey baraha koontarool ee xerada laga soo galo.

Cali Kuus iyo nin kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamed dheere ayaa labadaba looga shakaiyey inay gaariga soo geliyeen xerada hase waxaa weli aan kala cadeyn in la toogtay iyo in kale Maxamed dheere.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise