Dagaalyahaanada Shabaab oo ku hanjabay inay Geysan Doonaan Weeraro Kale oo Hor leh

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay geysan doonaan weeraro kale oo ay ku qaadaan goobaha ay gacanta ku hayso dowlada fedaraalka iyo Ciidamada Midowga afrika.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere afahayeenka Xarakada shabaab ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta taageerta shabaab ku sheegay in weerarkii ay ku galeen xerada ciidanka maamulka jubba ee Jaamacada kismaayo ay ku dileen ku dhawaad 100 qof oo isugu jira askar iyo saraakiil tababka halkaasi u joogtay.

Cali dheere ayaa tilmaamy in weerarada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah oo lagu fulin doono xeryaha Ciidamada dowlada iyo kuwa amisom.

Ciidamada Dowlada ayuu ugu baaqay inay kasoo tagaan xeryaha ay ku jiraan oo isa soo dhiibaan, hadii kalana ay markasta ay la kulmi doonaan weeraro.

“Intay joogaan  weerarka iyo dagaalka joogta ayuu ahaan doonaa ilaa laga waaynayo nin nimankaa gaalada gacmo dhaq u ah, oo anaga iyo gaalada isu madax banaanaano oo xabadeenu cid noo dhaxeysa aysan jirin waa ku soconeysaa waana uga digeynaa in mar kasta aysan kusoo laalaaban” ayuu yiri Shaeekh Cali dheere.

Xarakada shabaab ayaa lagala wareegay degmooyin iyo deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka hase ahaatee waxa weli taagan qatarta ay ku hayaan degmooyinka ay ku suganyihiin Ciidamada dowlada iyo kuwa shabaab.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise