Baarlamaanka Soomaaliya oo qaatay Go’aan aan Farxad Gelin Madaxweyne Xasan Sheekh

Xilibaanada Baarlamaanka fedaraalka ah ayaa maanta u codeeyey in waqti kordhin lagu sameeyo xilliga baarlamaanka uu gali lahaa fasax xagaaga oo bilaabanayey  28ka bishan ilaa Bisha Oktober 27 ee sanadkan.

Gudiga joogatada ah ee Baarlamaanka ayaa horey uqorsheeyey in waqtiga loo kordhiyo xilibaanada maadaama ay horyaalaan howlo farax badan si howlahaas loo dhameeyo.

Waxaa maanta Baarlamaanka uu cod u qaaday waqti kordhinta faxsa waxay ku codeeyeen in waqtiga lasii kordhiyo ilaa laga dhameenayo howlaha adag ee Baarlamaanka horyaala.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jiray in waqti kordhin aan la sameen fasaxa oo uu ku doonayaey in uu ku kala furfuro xilibaada hada kusoo furay mowjado siyaasadeed.

Go’aankan ayaa u muuqda mid aanu ku riyaaqsaneen Madaxweynaha dalka, waxaana sida muuqata Baarlamaanka markani wadaan dadaal kasta oo ay kaga hortagayaan qorshaha Madaxweynaha.

Sida Muuqata waxa fashilmay kooxo tira yar oo dadaal dhankooda ah ugu jira inay miisaanka ka yareeyaan madaxweyanaha.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise