Xukuumada Oo Cambaareysay Qaraxii Kismaayo

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xuuumada Soomaaliya C/hi Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Jaamacada Magaalada Kismaayo halkaas oo tababar ciidan ay ku qaadanayen Askarta Maamuka Jubba.

“Waxaan cambaareyneynaa falkaasi wuxushnimada leh ee loo adeegsaday gaari miineysan, laguna bartilmaameedsaday xarun lagu tababarayay cutubyo ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee ciidanka xoogga dalka, falkaasi waxa uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisadu dooneyso inay ku qal qalgelisyo dadaallada ay dowladdu iyo maamul goboleedyadu ugu jiraan dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee Xoogga dalka,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Dowladda uma adkeysan doonto in argagixisadu ay joogteeyaan falalka  ay dadka ku dhibaateynayaan, ,Waxaan hore u qaadnay talaabooyin muhiim ah oo maleeshiayadka shabaab looga saaraayo gooboha yar oo ay wax ka soo abuubuli jireen Sida baardheere, diinsoor iyo deegaano kale oo badan, ma hakan doonto geedi socodka nabadda, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska ciidanka.ayaa yiri Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise