War hor Dhac ah oo Naga Soo Gaaray Qaraxa Kismaayo

Waxaa gor dhow qarax xoogan uu ka dhacay Xero Ciidan oo ku taala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Goob joogayaal la hadlay Markacadey.com ayaa soo sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaan gilgilay inta badan xaafadaha Magalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa lagu fuliyey Gaari Nooha ahaa oo ay lahaayeen Ciidamada Maamulka Jubba sida ay sheegayaan goobjoogayaasha aan la xiriirnay.

Sidoo kale waxay inoo sheegeen in dhimashada ay hada gaareyso ilaa 14 ruux oo u badan askarta feelka ku jirtay, waxaa jira dhaawac kor u dhaafaya 35 ruux oo hada la geeyey Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay iyo isbitaalkaba waxaa isku gadaamay Ciidamada Maamulka Jubba oo shacabka u diidan inay gudaha ugalaan.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise