Dagaal ka dhacay Gedo oo Lagu Dilay Taliye Ciidan

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday Deegaan ku yaala Xadka Gobolka Gedo uu la wadaago Dalka Kenya.

Deegaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa lagu magacaaba Gariile, Dagaalyaahanad shabaab ay weerar ku ekeeyey fariisin ay ku sugnaayeen Ciidmada dowlada waxaana dagaalkaas laysku adeegsady hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan Deegaanka Gariille ayaa soo sheegaya in shabaab dagaalkaas ay kula wareegeen fariisimaha ay weerarkau ku qaadeen iyagoona gubay ilaa seddax gaari oo nooca dagaalka ah oo dagaalka ku qabsadeen.

Waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana ku jira dadka dagaalkaasi ku geeriyooday Taliyaha Ciidamada Deegaanka Garille oo lagumagacaabayey Gaashaanle Cabdi Xuseen Ibraahim (Xawaadlow).

Xaalada deegaanka ayaa hada lasoo sheegayaa inay tahay mid degen ka dib markii dagaalyahaanada shabaab ay dib uga gurteen barqanimadii maanta.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise