Maraakiib Ganacsi Oo Laga Badbaadiyey Kooxo Burcad badeed ah

Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ayaa laga badbaadiyey maraakiib weerar ay ku qaadeen meel ka baxsan Xeebta Yaman.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Badda ee Iiraan Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa sheegay inay ku guuleysteen in kooxo burcad badeed ah ay ka badbaadiyaan maraakiibta oo marayey meel ka baxsan biyaha dalka Yaman ee gacanka cadmeed.

Telefishin laga leeyahay Wadanka Iiraan ayaa baahiyey war ah in burcad badeeda ay wateen ilaa lex doonyo oo kuwa dheereeya ah aroornimadii saake weeraray maraakiibta oo nooca xamuulka qaad ah.

Taliye ku xigeenka ayaa intaasi raaciyey inay  gurmd u fidiyeen maraakiibta la weeraray ciidamada ilaalada Badda, wuxuuna intaasi raaciyey in rasaas xoogan ay isdhaafsadeen Burcada iyo Ilaalada Badda.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise